Wararka
Duqa magaalada Muqdisho oo kulan la qaatay Safiir ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowlada Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle waxa ayna kawada hadleyn, Qorshaha uu maamulka Gobolka Banaadir ku hirgalin doono Xarun Dhalinyarada lagu Bari doono Xirfadaha kala duwan oo ay taageri doonto dowladda Jarmalka.
Waxa ay sidoo kale ka wada hadleyn arimo la xiriira taageerada dib u dhiska Caasimadda Jamhuuriyada Soomaaliya sida wadooyinka iyo Bulaacadaha oo ay Dowladda Jarmalka taagerayso dhawaan.
Ugu danbeyn duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish iyo Safiir ku-xigeenka Safaarada Dowlada Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb Sascha Andreas kienzle ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira Amniga iyo Doorashooyinka Dalka.