Wararka
Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay Shir Deg Deg ah oo looga arrinsanaayo Doorashada.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka.
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira Doorashada, wuxuu Madaxweynuhu ku baaqay in Ciidamada laga saaro Garbahaarey, si ay ugu suuragasho Jubaland inay halkaasi doorashada ku qabato.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in Wax laga qabto tabashada ka jirta Guddiga Doorashada ee Somaliland, lagana talagaliyey dhammaan siyaasiyiinta Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Madaxweynaha Puntland ayaa soo jeedisay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.