Wararka
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo Kormeeray Shaybaarka Dowladda Hoose.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish iyo Ku xigeenkiisa Howlaha Guud Faarax Cabdi Diini ayaa Maanta Kormeeray Shaybaarka Dowladda Hoose kaasoo lagu hubiyo Tayada Agabka dhismaha.
Sheybaarkaas waxaa hirgeliyey Maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna Duqa Muqdisho tababar u furay qaar ka mid ah shaqalaaha Sheybaarka dowladda Hoose.