Wararka
Mudanayaal xasaaniiddii lagala noqday Puntland.

Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa xasaaniyadii xildhibaanimo looga qaaday 8 mudane.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo golaha la wadaagay eed ka dhan ah Xildhibaannadaas.
Ugu dambeyntiina 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana diidey 3 Mudane, halka uu ka aamusay 1 Mudane.