Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalka uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

“Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.” ayuu yiri madaxweye Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close