Wararka
Ciidanka amniga oo ka hortagay ruux doonaayay in uu Miino dhigo mid kamid ah waddooyinka Muqdisho.

Ciidanka amniga ee ka howlgala degmada Warta_Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa xalay saqdii dhexe ka hortagay ruux doonaayay in uu Miino dhigo gudaha degmada gaar ahaan waaxda Horseed laanteeda Neeshinka.
Ciidamda amniga ee Degmada Warta Nabada ayaa shacabka degmadaasi ugu mahad celiyay sida ay ula shaqeeyeen laamaha amniga.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirweynaha isu duwidda Amniga iyo Caddaaladda, kaas oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hay’adaha ka shaqeeya amniga iyo caddaaladda iyo wakiillo ka socda beesha caalamka.
Magalada Muqdisho ayaa bilihii ugu danbeeyay waxaa ka dhacaayay falal amniga lid ku ah waxaana ugu danbeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Goob mac macaan oo lagu magacaabo Gelato Defini oo ay ku dhinteen 7 dhalinyara ah halka 10 kalena ay ku dhaawacmeyn.