Wararka
Ra’isal wasaare Roble”waxaan wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidammada faray in ay xoojiyaan amniga caasimadda”.

Muqdisho-Soomaaliya:Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Laamaha Amniga dowlada federaalka Soomaaliya.
Ra’isal wasaaraha oo ugu horeyn mar kale ka tacsiyeeyay dadkii xalay ku geeriyooday Qaraxii Ismiidaaminta ayaa faray laamaha Amniga in ay adkeeyaan amniga caasimada dalka.
“Ka dib falkii argagixisadu xalay ku laayeen dad rayid ah oo dhallinyaro u badnaa maqaaxida Gelato Devino ee Muqdisho, waxaan wasiirka amniga iyo taliyeyaasha ciidammada faray in ay xoojiyaan amniga caasimadda, Shacabkana waxaan ka codsanayaa inay u midoobaan argagixisada nabadda iyo noloshaba u diiddan” Ayuu Yiri Ra’isal wasaaraha dalka.