Wararka
Aas Wadareed loo sameeyay dhalinyaraddii ku geeriyootay Qarax ka dhacay Muqdisho.
Ibitaalka xogga ee magaalada Muqdisho waxaa aas wadareed loogu sameeyay qaar kamid ah dhalinyaraddii xalay ku dhimatay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhaca goob mac macaan oo lagu magacaabo Gelato Dafiino.
Qaar kamid ah Eheladdii iyo saaxiibaddii ka qayb galay aaska oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay dareenkooda iyo shaqsiyaadkii ay ahaayeen dhalintii ku dhintay Qaraxa.
Agaasime ku xigeenka Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/laahi Xaaji Bashiir Shiine ayaa ka tacsiyeeyay dhamaan intii qaraxaasi ku dhimatay waxaa uuna ka warbixiyay laba kamid ah shaqaalaha hay’adda oo kamid ahaa dhalinyaraddii qaraxaasi uu haleelay.