Wararka
Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay bahda waxbarashada KGS.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa Magaalada Baydhabo kulan isbarasho iyo isxog Wareeysi ah kula qaatay bahda waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo ugu horeeyo Wasiirka Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, ayaa kula dardaarmay bahda Waxbarashada dowlad Gobaleedka Koonfor Galbeed in la dardar galiyo Horumarinta Waxbarashada.
Waa safarkiisi ugu horeeyay ee uu wasirka Wasaaradda Waxbarashada XFS ku tagay mid kamid ah dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada federalka tan iyo markii loo magacaabay xilkan.