Wararka
Guddiga Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare oo kulan la qatay Wasiiru Dowlaha Waxbarashada.

Guddiga Golaha Shacabka ee Xaqiiqa Raadinta Natiijadda Imtixaankii Dugsiyadda Sare ee Dalka ee 2020 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).
Kulanka ayaa Wasaaradda Waxbarashada looga dhageystay warbixin kooban oo ku saaban Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, Sanad Dugsiyeedka 2019-2020.
Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Shariif Maxamed Cabdalla.