Wararka
Ra’isal wasaare Rooble oo garay Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka u ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ra’isal wasaare Rooble waxaa Magaalada Ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Waa safarkii ugu horeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku tagaayo dowlad goboleed tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isal wasaarinimo.