Wararka
Guddiga Golaha Shacabka ee soo Diyaarinta Saameynta uu Covid 19 ku yeeshay dalka oo kulan la qatay Marwo Dr. Fawzia Abikar Nur.

Guddiga Golaha Shacabka ee BJFS u qaabilsan soo Diyaarinta Warbixin ku saabsan Saameynta Caabuqa Saf-mareenka Covid 19 ayaa la kulmay Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ay hoggaamineyso Wasiirrada Marwo Dr. Fawzia Abikar Nur.
Kulanka ayaa Wasaaradda looga xogwareystay su’aalana looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin Saameynta Caabuqa Covid 19 ku reebay Dalka iyo Qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.
Kulanka waxaa Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Farhia Mumin Ali.