Wararka
Soomaaliya oo laga xusay maalinka Macaliinta Soomaaliyeed.

21-ka Noverber waxaa guud ahaan deeganada Soomaalida laga xusaa maalinka Macalinka Soomaaliyeed.
xaruntaka KM4 EE Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay munaasabada xuska maalinka macalinka Soomaaliyeed.
Rector ka Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale oo ka hadlay munaasabadda xuska maalinta macalimiinta Soomaaliyeed ayaa ku dheeraday muhiimada ay macalimiinta Soomaaliyeed u leeyihiin Bulshada.
Qaar kamid ah macalimiintii ka soo qayb galay munasabadda oo la hadlay Tusmo tv ayaa dhankooda ka waramay dareenkooda waxaa ayna xuseen caqabadaha macalimiinta soo wajahda.
Ardaydii xuska macalimiinta u yimid in ay dhiira galiyaan macalimiintooda ayaa dhankooda ka waramay qiimaha ay maanta u leedahay.