Wararka

Musharax Madaxweyne Khayre oo C/Raxman C/Shakur ka rali galiyay dhacdadii 17-kii December 2017.

Ra’isal wasaarihii hore ee dalka hatana ah musharax madaxweyne Hassan Cali Khayre  ayaa markii ugu horeysay hoygiisa ku booqday hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxman C/Shakur Darsane.

Musharax Madaxweyne Xassan Cali Khayre ayaa C/Raxman C/Shakur ka raaligaliyay dhacdadii xarunta xisbiga wadajir ka dhacday 17kii December 2017.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay.   Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Khayre.

Sidoo kale Musharax Madaxweyne Khayre ayaa kulama kale duwan la qaatay qaar kamid ah madaxda Madasha qaran. Maalinimada Bari ayaa lagu balansanyahay in uu dhaca kulan weyne ay isugu imaan doonaan dhamaan hoggaamiyaasha u tagan Musharaxnimada madaxweynenimo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close