Wararka
Sifa noocee ayaa loo maray xil ka qaadista Wasiirkii hore ee dalka?

Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa diiday xilka cusub ee loo magacaabay taas oo keentay hadal hayn badan oo baraha bulshada ay isla dhexmareen shacabka Soomaaliyeed.
Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ugu mahad celiyay Madaxweynaha Qaranka Fursaddii uu u siiyay in uu shacabka iyo dalka u shaqeeyo muddo seddex sano ah balse waxaa uu intaasi raaciyay in uusan diyaar u aheen qabashada xil cusub.
“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.” Ayuu kusoo qoray Bartiisa Twitter.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.
Sidoo kale Wareegta kale oo iyadana ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa safiirnimo loogu magacaabay Axmed Cise Cawad, Wasiirkii hore arrimaha dibadda.
Haddaba Sifa noocee ayaa loo maray xil ka qaadista Wasiirkii hore ee dalka?
Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-DA ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u yeeray oo uu ku wargaliyay in uu doonaayo in xilka uu ka qaado. Waxaa uu intaasi ku daray in uu aqbalay soo jeedintaasi.
Sidoo kale Axmed Ciise Cawad waxaa uu sheegay in sababta uu u diiday xilka loo magacaabay ay tahay arrima Qoys oo in muddo ah uusan wakhti la qaadan Qoyskiisa.