Wararka
Waa kuma Wasirka diiday magacaabista safirnimo?
akhriso wasir diiday in uu qabto xil ka qadis lagu sameeyay kadib.

Wasirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ku gacan seeray xilkii cusbaa ee uu Madaxweynaha dalka u magacaabay.
Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ugu mahad celiyay Madaxweynaha Qaranka Fursaddii uu u siiyay in uu shacabka iyo dalka u shaqeeyo muddo laba sano ah balse waxaa uu intaasi raaciyay in uusan diyaar u aheen qabashada xil cusub.
“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna.” Ayuu kusoo qoray Bartiisa Twitter