Wararka
Guddiga KMG ee soo diyaarinta saameynta uu Covid-19 oo kulan la qatay Ra’iisal wasaare ku xigeeenka dalka.

Guddiga KMG ee soo diyaarinta saameynta uu Covid-19 ku yeeshay dalka ayaa maanta kulan xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa kula yeeshay Ra’iisal wasaare ku xigeeenka dalka Mahdi Mohamed Gulleed {Khadar}.
Ajendaha kulanka uu guddiga KMG ah la yeeshay ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka ayaa kala ahaa saameynta uu Covid-19 ku reebay Dalka iyo qaabkii ay Xukuumadda u maamushay.
Kulanka waxaa shir guddoominaaysay xildhibaan Farxiyo Muumin Cali oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta saameynta Covid 19 ku yeeshay dalka.
Xubnaha guddiga ayaa su’aalo la xarriiro qaabka ay xukuumadda u maamushay Covid 19 weydiiyay Ra’iisal wasaare ku xigeeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleed {Khadar}.
Ra’iisal wasaare ku xigeeenka XFS Mahdi Gulleed ayaa xubnaha guddiga uga jawaaabay sida ay xukuumadda u mamushay covid19.