Wararka

Wafdi ka socda Jabuuti oo garay Hargaysa.

Wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti  Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) ayaa maanta garay magaalada Hargaysa ee casimada maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehlinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici iyo masuuliyiin kale ayaa Magalada kusoo dhaweeeyay wafdiga Jabuuti ka socday.

Socdaalka Wafdiga ayaa quseeyay dardar-gelinta iskaashi Dhex-mara Somaliland iyo Jabuuti iyadoo wafdigaana uu noqonaayo wafdigii labaad ee Jabuuti ka socda oo muddo bil gudaheed Hargayso soo gara.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye waxaa uuna yiri “Runtii waxaa noo sharaf ah inaan iskaashi hor leh oo Biyaha Beeraha Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ah aanu wadaagi doono annaga iyo wasiirku, waad nala arki doontaa dalka waanan kusoo marin doonaa meelo badan oo kamida haddii Alle idmo”.

Sidoo kale Wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaaanda Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee waddanka Jabuuti, Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo isna ka dareen celiyey soo dhaweynta ballaadhan Waxaa uuna yiri “Waxaanan u imi sidii walaalahay iskaashi isku dhaf ah oo xagga biyuhu ugu horayso, kuna xigaan Beeraha Kalluunka iyo waxyaalo kale oo badan, aan ka wada tashano oo aanu samayno iskaashi horumar dhaqaale, annigu siyaasad uma socdo Wasiir Horumarineed baan ahay”.Image may contain: 1 person, sitting and outdoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close