Wararka
Golaha Wakiillada Puntland oo ka dooday qodoba kamid ah xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa maanta yeeshay Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta oo Ajandaha ahaa ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland kaasi oo ka kooban 38 Qodob ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, waxaana maanta qodob qodob looga dooday 9 qodob oo keliya.
Xeerka ayaa saameynaya Shirkadaha, Idaacadaha iyo Telefishinada guud ahaan ka hawl-gala Puntland, waxaana lagu maamulayaa dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta, marka laga reebo Isgaarsiinta ay isticmaalan Ciidamadu.