Wararka
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo ka qeyb-galay xafladda qalin-jebin ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa ka qeyb-galay xafladda qalin-jebinta Dufacadii 7aad ee wax kabaratay Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Qardho, ardayda oo tiradoodu dhameyd 179.
Munaasibadda waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Qardho, Maamulka jaamacadda Bariga Afrika, Waxgarad, waalidiin, aqoonyahano, masuuliyiin kala duwan ,ardeyda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardeyda ka qalin-jebisay Jaamacadda Barika Afrika oo uu sheegay inuu kala qeyb qaadanayo farxadooda iyo guusha ay gaareen maanta, waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan dedaalka waxbarsho ee ay wadaan si ay dalka iyo dadkaba ugaga faa’iideeyaan waxa ay barteen.