Wararka
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo Dhuusa-mareeb ku qabtay Kulan.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan wada jir ah kula yeeshay magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Labada gole ee xukuumadda iyo baarlamaanka Galmudug iyo Bulshada rayidka ah ee galmudug ayaa ka soo qayb galay kulankaasi.
U jedka kulanka ka dhacay Dhuusa Mareeb ayaa aheed sida loo heli lahaa aragtida maamulka Galmudug ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay.