Wararka
Ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland oo dib u dhacay.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta yeeshay Fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 47-aad oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta ayuu ajandahiisu ahaa ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland balse dib ayaa loo dhigay illa maalinta Arbacada ka dib codsiga Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL oo xeerka gacanta ku haya.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in labo maalmood oo dheer ah la siiyo Guddiga sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 58-aad iyo Qodobka 70-aad ee Dastuurka maamulka Puntland.
Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.