Wararka
Duqa casimada Muqdisho oo dib ugu soo labtay dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta caasimada Muqdisho dib ugu soo laabtay ka dib safar uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.
Duqa Magalada Muqdisho ayaa bogaadiyey shaqadii la qabtay intii uu maqnaa, waxa uuna u mahad celiyey Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ku xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Cumar Filish waxa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey ku xigeenadiisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, Guddoomiyasha Degmooyinka, Agaasimayasha Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Madax kale.