Wararka

(AKHRISO): Biden oo loo sadaliyay in uu ku gulaystay Dorashada Maraykanka iyo Madaxda calamka oo hambalyo u so diray.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Joe Biden ayay  Warbaahinta caalamka u saadaalisay in uu noqday madaxweynha 46aad ee dalka Maraykanka ka dib markii uu ku guulaystay 20 ka electrol college ka ee gobolka Pennsylvania.

Joe Biden ayaa xilka si rasmi ah ula wareegi doona bisha Janaayo ee soo aadan waa haddii aysan wax natiijo sharci ah soo bixin.

Ka dib markii uu la wareegay hoggaaminta tirinta codadka gobolka Pennsylvania, ayuu Biden waxaa uu kor u dhaafay codadka electrol college ka ee 270 ka ah ee loo bahnaa.

Masuuliyiinta Ololaha Doorashada Madaxweynaha haatan talada haye ee Trump ayaa shaaciyay in doorashada wali aysan dhamaan.

Madaxweyne trump ayaa horay ugu dhawaaqay in uu guulaystay.

77 sano jirkaan ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa noqon doona madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid soo mara tarikhda dalka Maraykanka.

Kamala Harris oo noqon donta madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka marka sida rasmiga ah ay u soo shaac baxda cida ay guusha raacdo ayaa noqon doonta haweyneydii ugu horeysay ee tarikhda maraykanka xilkan qabata.

Kamala Harris ayaa qoraal iyo muqaal koban oo ay soo galisay barteeda twitter ka ku muujisay dareenkeeda waxaa ayna Tiri ”

“Doorashadani ma ahan  aniga ama Joe Biden, Waxay ku saabsan tahay nafta Ameerika iyo rabitaankeena inaan u halganno. Howl badan ayaa na hortaalla. Aan bilowno”.

Tirinta codadka gobolada Georgia, Nevada iyo Arizona ayuu Biden wali sii hoggaaminiyaa balse natiijada ayay ku xirantahay gobolka Pennsylvania.

Balse Madaxweynaha Maraykanka Donalt Trump oo ka hadlay saadaaliska ay warbaahinta caalamka u sadaaliyeen Joe Biden in uu noqan doona madaxweynaha Maraykanka ayuu ku sheegay mid been abuur ah.

“Dhamaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu degdegayo inuu si been abuur ah u muujiyo inuu yahay guuleystaha, iyo sababta ay saaxiibadiisa warbaahinta ay si adag isugu dayayaan inay caawiyaan: ma doonayaan inay runta banaanka soo dhigaan,” ayuu yiri Madaxweyne trump.

Qaar kamid ah Hoggaamiyayaasha caalamka ayaa durba dhambaal hambalyo u soo diray Madaxweynaha la saadaaliyay ee Joe Biden.

Ra’isal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa yiri ““Runtii waxaan rajeynayaa” la shaqeynta Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris, maadaama uu iftiimiyay xiriirka dhow ee labada dal”

Wasirka Kowaad ee Scotland Nicola Sturgeon ayaa bartiisa Twitter ka ku soo qoray “

“Waxaan hambalyo uga dirayaa Scotland madaxweynaha la doortay Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Kamala Harris.”

Sidoo kale Hoggaamiyaha xisbiga Xisbiga shaqaalaha ee UK ahna hogaamiyaha mucaaradka Keir Starmer ayaa isna bartiisa twitter ka ku soo qoray “ Biden wuxuu waday olole ku saabsan “qiyamka ay Boqortooyada UK la wadaagto maraykanka- qaddarin, daacadnimo, naxariis iyo awood-siin”.

Wararka la xeriiro in Biden ku guulaystay Doorashada dalkaasi Maraykanka ayaa isasoo tarayso. Si aad wararka saxda ah ula socota fadlan nala jog.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close