Wararka

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo daahfurtay nidaam cusub oo ganacsiga quseeyo.

Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland ayaa daahfur u samaysay nidaam cusub oo ganacsatadda wax dhoofisa ama la soo dagta ku cadaynayso badeecadooda oo loo yaqaan SOMSAD (Somali administration Document).

Adeegaan oo ah mid iswadda oo ganacsaduhu si madax banan ugu soo cadaysanyo badeecadiisa qaab online, taasoo meesha ka saaraysa dukimitigii gacanta lagu qori jiray ee loo isticmaali jiray cadaynta badeecaddaha.

Kulankaan ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Maxamed Majiino, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheenta Cabdiraxman Caydiid Ibrahim, Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Mohamed Abshir , Maamulaha Furdadda Bosaso, Taliyaha Ilaalada cashuuraha ee Dekadda iyo masuuliin kale oo ka socday Wasaradda Maaliyadda iyo xubno ka socday CRATES oo qaabilsan dib u habaynta furdooyinka Somalia.

Wasiirka Dekadaha ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay nidaamaka cusub kasoo fududeen doona nidaamka shaqada iyo ilaalinta waqtiga , sidoo kale wuxuu ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay la qabsadaan hormarkaan socda.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ayaa soo dhaweeyay nidaamkaan asagoo ganacsata ka codsasay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hormarka socda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close