Wararka
Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo garay Xudur.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa manta garay Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.
Maamulka gobolka Bakol iyo kan degmada Xudur ayaa si ballaaran u soo dhaweeyay wafdiga guddoomiyaha.
Guddoomiyaha degmada xudur Maxamed macalin Axmed ayaa ugu horeyn u mahadnaqay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.
Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb. Cali Saciid Faqi ayaa dhankiisa sheegay in ay booqan doonaan gooba kala duwan inta ay kusugan yihiin degmada Xudur.