Wararka
Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay xubna cusub oo kamid noqonayo Golahiisa wasiradda.

Madaxweynaha maaulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shandheyn ku sameeyay qaar kamid ah wasiirada iyo howlwadeenada wasaaraddaha xukuumadaasi.
Xubnaha xilka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah Sahal Maxamed Jaamac; Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar.
Sidoo kale xubnaha la magacaabay waxaa kamid ah; Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga, Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada.