Wararka
Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u bilabay Ololaha Nadaafadda.

Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Maanta daah furay dib u bilaabidda Ololaha Nadaafadda Magaalada Muqdisho oo agab Nadaafadeed u qeybiyey Afar Degmo oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ololahan Waxaa daah furay Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku-xigenka maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan, waxaana goobjoog ka ahaa Ku xigeenada Duqa Magalada dhinacyada Arimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) iyo Gudoomiye ku-xigenka Howlaha Guud ENG. Cumar Cali Cabdi.
Maamulka Gobolka Banadir ayaa waddo dadaallo dib loogu soo celinaayo bilicda caasimada oo ah muraayadda dalka.