Wararka

Wasiirada Cusub oo la ansixiyay iyo ra’isal wasaaraha dalka oo shacabka ka dalbaday wada shaqeyn.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Wasiirada cusub ee uu dhawaan Soo magacaabay Ra’isal wasaaraha dalka Mohamed Hussen Roble.

188 Xildhibaan oo kulanka ku sugnaa ayaa dhamaantootba ogol u codeeyay sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan. Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamed Hussen Roble ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ugu mahad naqay sida kalsoonida leh ee ay u ansixiyeen Golaha wasiirada cusub.

Sidoo kale Ra’isal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Xukuumada cusub oo kusoo aaday xili kala Guur ah.

“Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa xubnaha Golaha Shacabka oo si aan loo kala harin u ansixiyay Golaha wasiirrada ee aan soo magacaabay iyo barnaamijka xukuumadda ee aan la wadaagay. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay nagu garab galaan howlaha hortabinta leh” ayuu yiri Ra’isal wasaare Roble.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close