Wararka
Golaha wasiirada Puntland oo shirkooda todobadkan kaga hadlay xalada amni ee deganada mamulkaas.

Shirka Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Qorshaha horumarinta Puntland iyo xaaladda Covid19 ee deegaanada Puntland.
Markuu soo idlaaday kulanka Khamiislaha ee Golaha wasiirada Puntland waxaa faahfaahiyay qodobadaasi Afhayeenka maamulka Puntland Jamac Dabraani.