Degmada Qardho waxaa manta lagu soo dhaweeyay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo Gudoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya waxaana soo dhaweeyay maamulka Degmada iyo shacabka qayba hooda kala duwan.
Wasirka Shaqadda, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Jaamac Faarax iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Carab, oo ay weheliyaan Ku xigeenka Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Xiriirka kubada cagta Puntland, Masuuliyiinta Wasaaradda iyo marti-kalle ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay.
Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, ayaa masuuliyiinta cayaaraha Puntland ku amaanay halka u qalanta ee garoonka loo asteeyay, waxa uu wasaaradda iyo maamulka degmada uga mahad-naqay soo dhawayntaloo sameeyay. Inta uu joogona waxa uu xusay in uu la qaadan-doono kulamo gaar-gaar ah.