Wararka
(DAAWO): Duqa Muqdisho & Safiirka Midowga Yurub oo kulan gaar ah yeeshay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda, gaar ahaan dhaqaalaha, dib-udhiska iyo horumarinta nolasha dadka Barakacyaasha ah.