Wararka
Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka dooday sidii loo kala hor marin lahaa ajendayaasha horyalla Golaha BJFS.

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Ayaa maanta Kulankooda sidaxaad ee Kalfadhiga 8aad Ku Yeeshay Xaruunta Guddiyada Iyo Guddonka Golaha Shacabka BJFS
Waxayna Kulankooda Uga Hadleen Shuruucda Taala Golaha Shacabka Iyo Sidii Loo Kala Horumarin Laha ama Mudnaanta Loo Kala Siin Laha Maalmaha La Kala Gelinayo Shuruucda Golaha Hor Yaala.
Sidokale Kulanka Ayaa Looga Hadlay Sidii Shaqada Baarlamanka Loo Kordhin Laha Islamarkana Inta Waqtiga Baarlamanka Ka Harsan Loo Dardar Gelin Laha tayada waxbarashada dalka.
Kulan Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Ayaa Waxa Shir Guddominaayey Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday.