Wararka
Madaxweyne Qoor qoor oo Boqolal shacab ah kula hadlay Cadaado.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmadda iyo Xubno ka tirsan goleyaasha Dowlad goboleedka Galmudug.
Socdaalkan waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nur.
Madaxweynaha oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoona ku tilmaamay cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirogaliyay iney ka qeybqaataan dib heshiisiinta bulshada, isagoona reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan nabadda iyo wada-noolaashiyaha.
Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib u heshiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda.