Wararka
Madaxweynaha dalka oo khudbad ka jeediyay Meertada 75aad ee QM.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay Meertada 75aad ee golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay horumarka uu dalka ku talaabsaday iyo saamaynta uu kobaca dhaqaalaha ku yeeshay Fayraska Safmarka ah ee Coronavirus-ka.
Madaxweynaha yaa soo jeediyay in dalalka caalamka ay yeeshaan Iskaashi dhan walba ah si looga gudba caqabadaha ay kamid ka yihiin amni xumada, isbadelka cimilada, faqriga, iyo sinnaan la’aanta.
“Qalalaasaha adduunka ka dhaca sida Karoonaha oo kale waxa laga dhaxlaa fursado iyo caqabado ay tahay in laga gudbo. Dhammaanteen waan aragnay dhibaatada caafimaad iyo tan dhaqaale ee uu keenay safmarka, kuwaas oo aan weli dareemayno, lana noolnahay.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo waxaa uuna sii raaciyay “Ma jiro dal, xitaa haddii uu wax kasta haysto, ka badgalay cudurka. Haseyeeshee iyada oo xannuunka iyo dhibaatada aan ka wada simanahay, haddane waxaan ka baqayaa in farqiga u dhaxeeya dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya iyo kuwa tabarta daran in uu sii balaaran doono. Tani waa arrin ay tahay in laga fogaado, maadaamaa ka gudbista caqabadaha taagan sida amni xumada, isbadelka cimilada, faqriga, iyo sinnaan la’aanta, kuwaas oo dhammaantood dunida kasii abuuraya kala fogaansho guud ahaan adduunka, waxayna tahay in la yeesho iskaashi, lana qaado tallaabooyin wadajir ah iyo ficilo horseedi kara in Hiigsiga Horumarka Waara uu ku noqdo mid mirodhal ah.”
Madaxweynaha dalka Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa uu sidoo kale Madaxda caalamka u soo jeediyay in laga wada shaqeeyo Hiigsiga Horumarka Waara oo cidna looga tagin cidlada.
“Iyada oo mustaqbalka la eegayo, waxaa muhiim ah in aan gaarno Hiigsiga Horumarka Waara ee qof kasta ee muwaadhin ah ee dunidan ku nool ah. Ma yeeli karno in aan qof ka tagno. Tani waxa ay micnaheedu tahay in Qaramada Midoobay in in dardargalisaa garab istaagga dalalka iyo bulshooyinka nugul”.