Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka wadahadlay sidii looga wada shaqeeyn lahaa horumarinta dalka iyo sidii doorashooyinka dalka ay u dhici lahaayeen sidii lagu heshiiyay.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu dadaalkiisa ugu badan geliyo Arrimaha doorashooyinka iyo waxka qabashada.