Wararka
Madaxweyne Deni iyo Guddoonka Aqalka Sare oo kulan yeeshay.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.
Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa ku aadanaa heshiiska ay wada gareen madaxda dowlada iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.
Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waddo kulama ay gooni gooni ula yeelanayaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kaasi oo ay kaga warbixinayaan xaalada maamuladooda iyo tan dalka oo dhan.