Wararka
Wasiirka caddaaladda oo sheegay in caddaaladda la marin doona kuwa gaysta Kufsiga.

Siihaya Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta ka qeeb gallay kulan ay soo qabanqaabiyeen ururka Culuma-udiinka Soomaaliyeed iyo uruuka Bulshada rayidka.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Abuukaate Xasan ayaa kalmadiisa kulanka kaga hadlay waxyaabo badan kuna adkeeyey carabka faldanbiyeedyada kufsiga iyo dilka, sharcigana lala tiigsan doono cid waliba oo ku lug leg arrimahaas.
Sidoo kale siihayaha ayaa Bulshadana qeebaheeda kala duwan kula dardaarmay in haldhinac looga soo wada jeesto iyo in loo baahan yahay in lala dagaalamo waxyaabaha mukhaadaraadka iyo maandooriyaasha kuwaas oo sababa wax waliba xumaan ah oo faldanbiyeed sababa.