Wararka
Abdiraxmaan A/Shakur “Farmaajo wuxuu ka tanaasulay muddo kororsi, oo ka shaqeyneyay muddadii uu joogay”

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir party Abdiraxmaan Abdi Shakuur oo ka hadlay Shir jaraa’id oo u qabtay ayaa sheegay in Madaxweyne farmaajo uu maalina ku haminin in ay dalka ka dhacdo doorasha qof iyo cod ah.
Sidoo kale waxaa uu Madaxda maamul goboleedyada dalka ka codsaday in aysan bixin iyagoon xaqiijin in heshiiskaasi la meel mariyay iyo in kale.
Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay meel mariyaan heshiiska ay wada gaareen dowlada federaalka iyo Madaxda Maalul goboleedyada xubnaha ka ah dowlad dhexe.