Wararka
wasiirka Caddaaladda oo ka hadlay dhagax dhiga wasaarada cadaaladda iyo Awqaafta.

Siihayaha wasiirka Cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, oo ka hadlay dayac tir lagu samaynaayo Wasaaradda caddaaladda iyo Awqaafta ayaa sheegay in dhismaha xaruntaan iyo xaruma kale ba ay wal wal ba’an ku haysay.
Sidoo kale waxaa uu wasiirk Xasan Xuseen Xaaji xusay waxyaabiihii u qabsoomay oo ay kamid tahay dhimsaha maxkamada sare iyo waliba waddada soo gasha wasaaradda iyo maxkamada.
Wasirka ayaa u mahad celiyay dhamaan intii ka qayb qaataday dhaqaalaha lagu dayac tiraayo dhismayaashaan oo ay kamid yihiin muxsiniin Soomaaliyeed.
“waxaa walwal igu hayay in muddo ah burburka ka jira dhismaha wasaaradda iyo maxkamadda sare maanta waxaan ujoognaa dhismaha wasaaradaha cadaaladda iyo awqaafta” ayuu yiri Siihayaha wasiirka Cadaaladda.