Wararka
Maareeya Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde oo ka hadlay qasaaraha ka dhashay Diyaarad shil ku gashay Garoonka.

Diyaarad fokar 50 oo nooceedu yahay 5y oo ay leedahay Kambani lagu magacaabo Silverstone oo xaruntiisu tahay Nairobi ayaa maanta ku soo dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Maareeya Garoonka Diyaaraha Muqdisho oo ka warbixiyay diyaaradaani ku soo dhacday garoonka ayaa sheegay in saaka aroortii ay diyaaradaani u dhuushay Baladweyne xili ay sidday cargo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.
Marka ay baxday kadib muddo 15 daqiiqo ah ayay ku soo codsatay soo noqosha waxaa ayna sheegtay cilid dhanka farsamada ah in ay haysato.
Isla markii ay soo laabatay oo ay soo caga dhigatay ayaa waxay ka baxday waddada diyaaradaha kusoo dagaan ee loo yaqaano Ran Way-ga waxaa ayna afka ku dhufsatay Giddaar dhanka badda ah oo biyaha celin jiray.
Shaqaalaha diyaaradda saarnaa ayaa gaaraayay afar oo ay kamid yihiin duuliyaha iyo caawiyihiisa waxaana uu maareeyaha sheegay in ay warbixinta rasmiga ah ka sugayaan dhaqaatiirta oo hadda ku howlan daaweynta duuliyaha iyo caawiyihiisa oo uu sheegay in ay ugu shakisan yihiin in ay lugaha wax ka soo gaareen.
Sidoo kale maareeyuhu waxaa uu xusay in ay hakad ku yimaadeen diyaaradihii ka soo dagan lahaa garoonka maadaama ay diyaaradu cilida qabsatay ay Ran way-ga ku habsatay ayna wadaan dadaalo waddada looga saaraayo diyaaradda si shaqadii karoonka ay dib ugu bilaabata.
Ilaa iyo hadda ayaa uu sheegay in si Kumeel gaar ah ay diyaaradaha u kala weeciyeen dhanka Eelaboorka Baydhabo iyo wajir.