Wararka
Gobolka Tigreeda oo maanta loo dareeray Goobaha cod bixinta iyadoo dalkasi dib loo dhigay Dorashada.
Ismaamulka Tigree ayaa maanta qabtay doorashada Baarlamaanka dalkaasi oo uu dib u dhigay guddiga doorashooyinka Itoobiya.
Doorashadaan oo ka hor imaanayso go’aankii uu Abi Axmed wakhti ugu daray guddiga doorashooyinka ayaa Hoggaamiyaasha Tigreedu sheegeen in la joogi wakhtigeedi.
Goobaha Codbixinta ayaa la furay saacadda geeska Africa markii ay aheed 6am taas oo ka bilaabatay dhanaan Gobolka Tigreeda ee buuralayda ah.
Doorashadaan ayaa caqabad ku noqon doonta Ra’isal wasaaraha dalkaasi Itoobiya Dr. Abi oo culays xoogan kala kulmaayay qoomiyada Amxaarada oo saluug ka muujiyay hoggaankiisa.
Gobolkaani Tigreeda dagto ayaa xaduud la wadaago Eritrea iyo Sudan.
Dalka Itoobiya ayaa lagu waday in ay doorashada Qaran ee dalkaasi qabsoonta bishii August ee la soo dhaafay balse Guddiga doorashooyinka Itobiya ayaa ku dhawaaqay bishii March in ay u baahan yihiin in dib loo dhigo doorashada sababa la xariiro Fayraska saf marka ah ee COVID-19.