Wararka

Ruto “waxaa ay joojiyeen ganacsigii qaadka si ay noogu curyamiyaan”

Madaxweyne ku xigeenka dalka kenya William Ruto oo habeenimadii sabtida waraysi siiyay Weru TV ayaa walaac xoogan ka muujiyay xayiraadda qaadka ee ay dowlada Soomaaliya saartay dalka Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ayaa ganacsatada Qaadka iyo beeralayda soo saaro qaadka u muujiyay niyad wanag balse waxaa ay cadaadis saarayaan dowlada kenya oo ay sheegeen in ay ku guul daraysatay in ay xal waaro ka keenta arrimahaani.

William Ruto waxaa uu sidoo kale sheegay in wakhtigaani ay hoggaamiyayaasha Soomaaliya ku mashquul san yihiin arrimaha doorashada balse ay waddaan dadaalo ay xal ugu raadinayaan arrinka xayiraada qaadka.

Bishii tagtay ee August, Soomaaliya ayaa Kenya hor gaysay ilaa shan dalab oo ay sheegeen in ay kenya tahay in ay fuliso ka hor inta aan la qaadin xayitraada qaadka.

” Waxaa jiray isfaham waa labada dhinac Kenya iyo Soomaaliya ee ku salaysan muranka badda. waxaa ay joojiyeen ganacsigii qaadka si ay noogu curyamiyaan. waxaan kula jirnaa wada hadal siddii loo kala qaadi lahaa labada arrin laakinse wadahadalada ayaa si tartiib ah ku socda. balse waxaan rajaynaynaa kolka ay doorashada dhamaato in xal laga gaari doona xayirada qaadka” ayuu yiri Ruto.

isbuuci la soo dhaafay ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa abaabulay dibad baxyo ay kaga soo hor jeedaan xayirada qaadka ee ay Soomaaliya saartay Kenya balse xogyahaya wasaaradda beeraha Kenya Peter Munya ayaa ka codsaday in la joojiyo banaanbaxaasi waxaa uuna codsigiisa sii raaciyay in ay dulqaad muujiyaan inta ay dowlada dalkaasi waddo dadaalada xalka looga gaarayo arrimaha xayirada qaadka.

Hoggaamiyaha ururka Qaadka ee Kimathi Munjuri ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay qorsheynayaan dibad baxyo ballaaran ayna dhigi doonaan ilaa laga fasaxo ka ganacsiga qaadka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Meru County Assembly Romano Mwito, oo dhankiisa ka hadlay dibad baxyada ayaa yiri” Dadkeynu waxaa ay ka cabanayaan Lumista Suuqii Soomaaliya. Waxaan dooneynay inaan dhigno dibad baxyo ballaaran maalmaha Jimcaha iyo Sabtida balse Xoggahayaha wasaaradda beeraha Kenya ayaa noo yeeray waxaa uuna naga dhaadhiciyay inaan joojino dibad baxa. waxaan u hoggaansanay codsigiisa sababtoo ah waxaan naqanaa in suuq gaynta jaadka ay gacantiisu ku jirta”

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah laba dal oo daris ah hasayeeshee waxaa jiro mad madow ku dhex jiro arrimaha diblomaasiyada iyo xariirka. Soomaaliya ayaa kenya ku eedeysa marar badan in ay fara galin ba’an ku hayso arrimaheeda sidoo kale waxaa jiro kiiska badda oo isna labada dhinac muran ka dhax dhaliyay wakhtiyo badan. Kiiska badda ayaa hadda waxaa uu yalla maxkamada cadaaladda aduunka ee Hague.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close