Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta Madaxtooyada maamulkaasi kulan kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland.
Kulankan, waxa lagu lafo-guray sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda.
Madaxwaynaha Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka maamulkaasi Somaliland, Wuxuuna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada.