Wararka
Shan caruur ah oo meyd kooda laga helay dhisma ku yalla Jarmanka.
Dhisma ku yalla dalkaasi German ayaa laga hoos helay shan carur ah oo mayd ah, dhismahaan ayaa ah mid gaar loo leeyahay.
Booliska ayaa sheegay in dhacdadaani a ku soo wargakiyeen dadka degan magaalada Solingen oo dhanka galbeed ee Jarmanka ku taalla.
Hooyada dhashay caruurtaan oo dadeeda lagu sheegay 27 sano jir ayaa xiligaasi la sheegay in ay ku maqneed safar dhanka Tareenka ah.
Caruurtaani meedkooda laga dhex helay dhismaha ayaa kala ah seddex gabdhood iyo laba wiilal ah kuwaas oo dadooda aheed hal sano jir ilaa seddeed sano jir. wararka ayaana intaasi ku daray in wil kale oo 11 sano jir ah ka bad baaday dhibtaasi.
Ilaa iyo hadda si waafi ah uma cadda sabata rasmiga ah ee ka danbaysay dhimashaha caruurtaasi waxaa ayna booliska dalkaasi sheegeen in ay socota baaritaano lagu xaqiijinaayo dhacdadaani.