Wararka

Wasir Warfa oo ka qayb galay kulan ay yeesheen wasiirada urur-gobolleedka IGAD.

Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha xukuumada federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa maanka kulan Muqaal fogaanta ah la qaatay wasiirada dalalka urur-gobolleedka IGAD oo la xiriiray saameynta Covid-19 ee muhaajiriinta.

Wasiirka oo ka warbixiyay kulankaasi ayaa sheegay in uu ka hadlay saamaynta uu covid-19 ku yeeshay muhaajiriinta Soomaaliyeed xili la waday dar dar galin dalka dib loogu soo celinaayay muwaadidiinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka dariska iyo kuwa qaradaha kale.

“waxaan maanta ka qeybgalay kulan heer Wasiirro ah ee dalalka urur-gobolleedka IGAD oo la xiriiray saameynta Covid-19 ee muhaajiriinta. Soomaaliya oo ay ku soo laabanayeen kumannaan barakacayaal ah ayuu dhaqaalo ahaan u saameeyey , waxaana Wadamada xubnaha ka ah IGAD la wadaagay sida ay nooga go’an tahay in aan si deg deg ah uga shaqeyno siyaasada ugu wanaagsan ee soo kabashada iyo abuurista barnaamijyo waara oo wax looga qabanayo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey” ayuu yiri Wasir Warfa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close