Wararka

Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Nugaal oo go,aan ka gaartay kiiska Hodan Shanlayste.

Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maantay markale dhageysatay garmaqalka eedaysanayaasha kiiska Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) oo dil iyo kufsi loogu gaystay magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad goboleedka Puntland sanadkii 2019.

Eedeysanayasha kiiskaan oo gaaraya 7 eedaysane ayaa maxkamadu 6 kamid ah xoriyadoda dib u siisay kadib markii lagu waayey falki danbiga lagu eedeeyey markii ay maxkamada ka hor dhaarteen,halka eedysanaha kalena dib loo ceeliyey xabsihga si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo sida ay maxkamadu go,aamisay.

Bartamihii bishii April ee sanadkii 2019 ayaa marxuumada Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Garoowe kadib markii loogu dhacay guriga ay daganayd,waxaana loo soo xiray 7 oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen falkaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close