Wararka

Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha wakiilada Puntland oo maamulka sheybaarka coviid-19 ee cisbitalka Garowe.

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Guud ee Garoowe, halkaas oo ay warbixin kaga dhageysteen Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Drs. Xabiiba Nuux Ismaaciil.

Agaasimaha Isbitaalka Guud ayaa ka warbixisay adeegyada Isbitaalku bixiyo, waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha haysta Isbitaalka iyo weliba baahiyaha jira, iyadda oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha ay ka hadshay isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira cisbitaalka ayna doorkooda ka qaadanayaan.

Dhanka kalena, Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ayaa booqasho shaqo ku tagay Sheybaarka dhexe Dawladda ee lagu baaro caabuqa (COVID 19) kasoo bixiya shahaadada Bad-qabka COVID-19 ee dadka dalka dibaddiisa u safraya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close