Wararka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday masuuliyiin loo heestay musuq maasuq.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Isniin ah soo gaba gabeysay kiisas dacwad musuq oo loo haystay Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, kuwaasi oo muddooyinkii dambe kiiskooda uu ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa soo saartay xukunka ay muteysteen xubnahaasi ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, halka sidoo kale maxkamadda ay fasaxday shaqsiyaad kale oo isla Wasaaradda Caafimaadka ka tirsanaa oo ku eedeysnaa kiiska Musuqa.

Xubnaha Wasaaradda xukunka ku riday ayaa kala ah; Agaasimaha Madaxa Maaliyada oo lagu Xukumay 18 sano, Agaasimaha qeybta Xisaabaadka oo lagu xukumay 12 sano, Agaasimaha Guud ee Wasaarada oo lagu Xukumay 9 sano iyo Madaxa Mashruuca Malaariyada ayaa lagu xukumay 3 sano. Sida ay ku dhawaaqday maxkamada Gobolka banadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close