Wararka

Madaxweynaha Puntland oo warbixin siiyay golaha wasiirada maamulkasi.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Puntland.

Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntlanad Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa waxaa warbixin looga dhagaystay Madaxweyne Saciid cabdullahi Deni.

Madaxweynaha ayaa golaha ugu warbixiyay safarkii uu ku tegay Dhuusamareeb oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo maalmihgii shaqo ee uu ku sugnaa Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu danbeyn faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo lasoo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19.Image may contain: 1 personImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close